Aabbayaasheen Baa Na Baday - Cabdirisaaq Y Cismaan
Buuggu wuxuu ku saabsanyahay billawgii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Sheekada buugga waxaa tebinaya Cali Faarax oo ah wiil reerkiisa la nool, gaar ahaan, aabihiis iyo laba xaas ee uu qabo. Cali hooyadiis oo garoob ah baa magaalada dhinac ka dagan, laakiin, in uu mar mar soo salaamo, ama lasoo seexdo mooyee, lama noola. Cali oo noloshiisa ay u ku ekayd iskuul aadis iyo banooni dheelid, buu dagaalku qarxayaa, deetana, aabihiis oo ka mid ahaa aas aasayaasha jabhaddii USC, dalkana ka baxay darteed,..